QAANUUNKA ARRIMAHA KHAASKA AH
QAANUUNKA ARRIMAHA KHAASKA AH
Kani waa siyaasada qaaska ah ee machadka Darwiish Academy.
Hordhac
1) Qormadani waa ogeysiis aan kugu ogeysiinayno siyaasadeena ku saabsan dhammaan macluumaadka aan kaa qoreyno adiga marka aad ku soo biiraysid machadka Darwiish Academy. Qawaaniintani waxa ay si hufnaani ku jirto u ilaalinayaan macluumaadka aqoonsikaaga (macluumaadka shaqsiyeed) iyo macluumaadka aan la ogaan karin.
2) Waxaan si ay masuuliyadi ku dheehan-tahay u qaadanaynaa asturida iyo xifdinta sirahaaga khaaska ah. Waxaan ogeysiinaynaa macaamiisha sharafta leh ee ku xiran machad-ka Darwiish Academy in aan macluumaadkooda si khaldan loo adeegsan-doonin gacan saddexaadna u gudbeyn xogtoodu oo ay u xifdisanaan doonto.
3) Siyaasadeenu waxay si toos ah ula jaan qaadaysaa ilaalinta xogta ee Xeerka midowga Yurub (GDPR) sharcigan ayaa nafaraya in aan xuquuqdaada ilaalino xifdinana xogtaada iyo wax walba oo sir ah oo aan masuul kanahay. Haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraada halkan ka akhriso (www.knowyourprivacyrights.org).
4) Marka aad xubin ka soo noqoto Machadkeena Darwiish Academy waxaad helaysaa wixii aad xaq u lahayd oo ah in aad hesho casharadad iibsatay cawimaad waafiyana ku siino.
In aad koonto aad adigu masuul ka tahay heshid.
In aad hesho dhammaan casharadad iibsatay.
in aad hesho tallo bixin iyo hoga tusaalayn joogtaa.
In aan ku siino lanbarka sirta ah ee aad ku soo galaysid qolka ay ku midaysan-yihiin ardaydu.
In aan kuu sii wadno taxanaha casharada ilaa inta uu dhamaanayo heshiiskii aan ku heshiinay.
4) Machadkeenu waxa uu dhawrayaa macaamisha xubinta ka ah, mar walbana waxa ay naga helayaan caawimaad joogta ah iyo aqoon fufan. Waxaan ilaalinaynaa in aan lagu xad gudbin shaqsiyadaada qofnimo iyo sharaftaada.
5) Waxaan mar walba aqbalaynaa cabashadaada aad noo soo gudbiso, sida ugu dhakhsiyaha badana waxaan kuu soo siinaynaa jawaab deg-deg ah oo aan kaaga qancinayno cabashadaada.
Su’aalaha ku saabsan shuruudaha adeegga noogu soo dir Info@darwiishacademy.com.