
Waa maxay Forex?
Asc muddanayaal iyo murwooyin soo dhawaada oo ku soo dhawaada gacmo furan, waji fiican, maan fayoow, faalo wacan, fal toosan, fikir tolmoon, aqoon fur-furan, faalo walaaltinimo iyo fir-fircooni dheeriya. Soo dhawaada mar iyo marar badanba.
Qormadani waa qormo aan hubo haddii aad si ay deganaanshiyo ku dheehan tahay u akhriso aad wax badan ka fahmeyso lagana yaabo in ay badasho hab-fikirka aad ka aamin san tahay Suuqan iyo dhaqaalasha aad ku sukan tahay wakhti xaadirkan.
Waa Maxay Forex?
Forex waxaa soo gaabiyay (Forieng Exchange) oo Macne ahaan noqoneysa sarifka iyo isku-bedelka lacagaha qalaad, Forex waa suuqa maaliyadeed ee ugu faca iyo baaxada wayn adduunka waxaana maalin kasta laga faa’iidaa ama lagu kala sarifaa adduun lacageed oo dhan $5.3 Trillion oo dollarka maraykanka ah.
Forex maaha suuq cid gaara ay iska leedahay, Ee waa Suuq dhaqaale iyo lacago kala duwan lagu sarifo oo qof kasta oo aqoon iyo khibrad uleh xirfada suuqan ka samayn karo faa’iido joogto ah iyo dhaqaale wanaagsan.
Ma ogtahay imissa badeeco iyo ganacsi ayaa maalinkii ukala goosha dalalka dunida?
Ma is waydiisey imissa qof ayaa caalamka maalin kasta ukala safra waddamada kala duwan ee adduunka?
Dhammaan lacagaha waddamada dhaqaale ahaan horumarey iyo kuwa soo koraya waxay maraan sarifka suuqa Forex.
Sidee uga Shaqaysan kartaa Forex?
Suuqani waxa uu furan yahay 24/5 Isniin ilaa Jimce marka laga reebo laba maalin oo kala ah Sabti iyo Axad oo suuqu gebi ahaanba xidhanyahay, Maalmaha kale ee shanta ah si dhamaystiran Habeen iyo Maalin suuqu wuu shaqaynayaa, SI aad suuqan uga faa’iido waxaad ubaahantahay aqoon iyo hoga tusaaleyn joogto ah.
Maxaa la kaaga baahanyahay Si aad suuqa Forex uga ganacsado ama aad qayb uga soo noqotid fursatan?
Si aad uga shaqeysatid waxaad u baahan tahay:
1= Aqoon (Aqoontiina waxaad ka helaysaa Darwiish Academy)
2= Mobile ama Laptop
3= Internet
4= In aad diyaar u tahay in aad bedasho dhaqaalaha ku soo kala.
Sidee ayaan suuqa Forex ugu yeelan karaa aqoon iyo kalsooni aan lacag ku sameyn karo?
Waa in aad leedahay rabitaan xoogan oo aad dooneysid in aad ku barato xirfada suuqan. Barashada xirfada suuqa Forex uma baahnid in aad leedahay aqoon baaxad weyn iyo in aad haysato shahaado sare, sidoo kale uma baahnid Cv waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa in aad ku xiran tahay dad aqoon buuxda u leh cilmiga suuqan iyo machad ku hagaya oo ku hoga tusaaleynaya.
Waa maxay Darwiish Academy?
Darwiish Academy waa machadkii ugu horeeyay ee ku baxaya afka soomaaliga oo lgu baranayo xirfada suuqa kala sarifka lacagaha qalaad, machadkani waa machad daboolay baahiyihi aad u baaxad wayn oo ay bulsha weynta soomaliyeed u qabeen barashada sirta suuqa Forex, machadkani waxa uu bixiyaa casharo isugu jira.
1= Asaasiyaad: Waa qeyb aad iyo aad kuu fahansiinaya guud ahaanba suuqan waxa uu yahay, waxaa kuugu diyaarsan qaybtan casharo taxanaa.
2= Qeybtii dhexe: Qeybtani waxa ay aad idhaha kuugu fureysaa siddii aad suuqan uga shaqeysan lahayd adoo cidna ku tiirsaneyna aad signal u sameysan lahayd, Waxaad aad u fahmeysaa qaabdhismeedka suuqa iyo calaamadaha uu sameeyo.
3= Qeytii sarre: Qeybtani waa qeyb aad iyo aad muhiim u ah oo qofku marka uu soo gaadho uusan u baahneyn in uu ku tiirsanaado cid ee uu noqonayo qof iskiis uga xamaasha suuqan lacag joogtaana ka sameeya, waxaadna aad ugu baranaysaa Darwiish Strategy.
4= Waxaan Bixinaa Todobaad walba falanqaymo joogta ah oo aan ku falanqaynayno lacahgaha dhaqaaqa sameynaya todobaaka dhexdiisa.
Haddii aad u bahan-tahay in aad baratid qaab dhismeed-ka suuqa Forex ku soo biir Darwiish Academy.
Ha mooggaan Darwiish Strategy.